Shirkadda Quick Chain oo ah Shirkada Fududaynta Isku xirka Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Suuqyada Warshadaha Dalka China oo Kismaayo Xafiis ka furatay
- Xaflad siheer sare ah loso agaasimay islamarkaana lagu furayay Xafiiska Shirkada Fududaynta Isku xirka Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Suuqyada Warshadaha Dalka China ee Quick Chain Company ayaa lagu qabtay Hoteel Kismaayo oo ku yaalo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland.
- Waxaana Xafladaan kaso qayb galay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah, Xildhibaano, Gudoomiyaha Degamada Kismaayo, Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Jubbada Hoose, Ganacsato iyo Marti sharaf lagu casuumay.
- Ugu Horeen Maamulaha Guud ee Shirkada Quick Chain C/qaadir Bashiir Maxamuud oo Xaflada ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay adeeg yada ay qabato Shirkadaan Quick Chain, wuxuuna sheegay in ay shirkadaan tahay mid u adeegto Ganacsatada Soomaaliyeed islamarkaana ay isku xiri doonto Ganacsiga Soomaalida iyo kan China.
- Maamulaha Shirkada Quick Chain C/qaadir Bashiir ayaa sheegay in jeedka Shirkadaan loo aasaasay uu yahay marki la arkay dhibaatada haysato Ganacsatada Soomaaliyeed oo Badeecadaha uga soo dagto gacanta labaad ee Bariga dhexe halka Aduunka intiisa kalena uu ka adeegto Wadanka China oo ah Xarunta wax soo saarka Aduunka.
- Waxaa sido kale Madasha ka hadlay Maxamed Siciid Abdiraxmaan oo ku hadlayay afka Ganacsatada Jubbaland wuxuuna sheegay in ay so dhaweenayaan Shirkadda Quick Chain isagoona xusay in ay tahay mid ay ka faa’idaysan doonaan Ganacsatada Jubbaland.
- Qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo Wasiiradii kaso qayb galay Xaflada oo madasha hadalo ka jeediyay ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay Shirkadda Quick Chain oo Xafiiska ka furatay Magaalada Kismaayo waxayna sheegeen in ay tahay midaan hormar u bilaabatay Ganacsatada Soomaaliyeed.
- Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland Fariid Jaamac Sulaybaan oo ugu danbayn madasha ka hadlay ayaa aad u bogaadiyay Maamulka Shirkadda Quick Chain wuxuuna sheegay in midaan ay tahay guul u soo hoyatay Ganacsatadda Soomaaliyeed.
- Shirkada Quick Chain ayaa ah Shirkad u adeegta Ganacsatada Soomaaliyeed islamarkaana fadhigeedu yahay Dalka China iyo Jaban. waxayna shaqaynaysaa mudo Sideed Sano ah.