Magaalada Bosaso Puntland Somalia ayaa lagu qabtay xaflad lagu daah-furayey shirkad cusub oo loogu magac daray Quick Chain

21st August 2016 at 10:03 am / by
  • Magaalada Bosaso  Puntland Somalia ayaa lagu qabtay xaflad lagu daah-furayey shirkad cusub oo loogu magac daray Quick Chain, taasi oo ku soo biirtay shirakadahe kale ee ka jira magaalada.
  • Daahfurka shirkadda ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha Puntland,ganacsato,culumaa’udiin,maamulka shirkadda,waxgarad iyo marti sharaf kale.
  • Adeegyada ay Shirkadu qabanayso ayaa waxaa ka mid ah
  • Soo saarista fiisaha ganacsiga dalka Shiinaha.
  • Diyaarinta iyo buuxinta documentiga codsiga fiisaha dalka Shiinaha.
  • Soo saarista Tikid tegis, soo noqosho Bosaso ilaa dalka Shiinaha,iyo Shiinaha ilaa Bosaso.
  • Qaabilaada iyo ku soo dhoweynta macmiilka Soomaaliyeed laga bilaabo marka uu yimaado ilaa marka uu ka so dhoofayo.
  • Geynta iyo tusida suuqyada dalka Shiinaha.
  • Soo ururinta qiimaha iyo xogaha Badeecadaha yaala Suuqyada dalka Shiinaha.
  • Isku xirka warshadaha dalka Shiinaha iyo macaamiisha Soomaaliyeed.
  • Soo ururinta, keydinta iyo cabaynta badeecadaha macmiilku ka iibsado dalka Shiinaha.
  • Ku rarista alaabta Konteynarka iyo keenista Dekedda uu ka dhoofaayo.
  • Fududaynta lacagaha iyo u kala xawilidooda illaa Macmiilku uu helo Alaabtuu rabay.
  • Soo iibinta iyo soo rarista warshadaha iyo qalabka kale ee laga soo iibsado dalka Shiinaha.
  • Adeegyada daabulaada guud iyo rarista Badeecadaha laga iibsado dalka Shiinaha,iyadoo la adeegsanayo
  • Maraakiibta iyo Diyaaradaha.
  • Fududaynta Gorgortanka Ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Shiinaha iyo Adeeyo kale oo muhiim ah.
  • Cabdiweli Sheekh Axmed oo ah madaxda shirkadda ee dalka China oo ugu horeyn ka hadlay madasha ayaa sheegay in shirkaddu ay u furan tahay dhammaan dadka Soomaaliyeed,loona baahan yahay in ganacsatadu ay si dhow ula shaqeeyaan shirkadda.
  • Waxaa sdioo kale xafladda ka hadlay Sheekh Maxamad Macallin oo ka mid ah culumada Puntland, waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in shirkadda QUICK CHAIN ay fududaynayso in ganacsatada Soomaaliyeed ay ka soo adeegtaan halka ay caalamku ka adeeganayaan.
  • Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntland Maxamuud Cabdi ayaa maamulka shirkadda QUICK CHAIN ku booriyay adeeg hufan iyo aaminaad in ay la yimaadaan.
  • Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indha-guran oo soo xiray xafladda ayaa sheegay Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Puntland ay shirkadda u fududayn doonto wixii ay uga baahan yihiin dalka,wuxuu sheegay in dhinaca kale loo baahan yahay Wax soo saarka Puntland loo iibgeeyo Suuqyada Shiinaha.
 
 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

 
 
 
%d bloggers like this: